Usama Bin laden Oo Ka soo muuqday Xulka Qaranka Peru(xagee ayaad ku ogeed)

-

Magaca laacibka U ciyaara Xulka qaranka Peru ayaa soo jiitay indhaha saaxafadda ka dib markii uu ka soo muuqday xulka qarankiisa isaga oo aanan 15-ka sano u buuxsamin.

Magac isku egaanshaha aadka ah ee ninkani uu la wadaago Sheikh Usama Bin laden hogaamiyihii hore ee urur Weynaha Al-qaacidda ayaa ah arinka sida aadka ah ay warbaahintu u buun buuniyeen.

jariidada Ingiriiska laga leeyahay ee “the sun” ayaa qortay in usaama bin laden uu u ciyaari doono xulka wadanka Peru isaga oo da,diisu aysan ka badneen 15 sano, waxaa uuna canugani dhashay ka dib dhacdadii 11-September(qaraxintii daaraha mataanaha).

Lama oga sababta uu aabaha ugu bixiyey cunugiisa magacan balse sida ay qortay jariidada in caruurta loo bixiyo magacyada dadka caanka ah ayaa arin Ku badan Wadamada Latin America.
https://twitter.com/SpheraRandom/status/914076238209265664

Usama Bin laden ayaa hadda u ciyaara naadiga Union Comercio waxaana loo doortay hadda in uu u ciyaaro xulkiisa isaga oo ku jira sanadkii koowaad ee waayihiisa ciyaaraha.

Magaciisa oo buuxa waa Osama bin Laden Jimenez Lopez, magaciisa darteed waxa uu soo jiitay indhaha dadka la nool iyo ardayda ay isku iskoolka ahaayeen hase ahaatee mar uu wareysi siiyey jariidada the sun ayuu yiri” Waxaan u arkaa arintani mid Adag laakin hadda wan la qabsaday hadda nolasheyda waa caadi, aabahey waan weydiiyey maxaa magacan iigu bixisay balse mar walbo waxaan arkaa in uu ka meermeeraayo in uu ka hadlo arimahan”

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...