61 sano ka hor bishan oo kale waxaa magaalada Hargeysa isagu soo baxay dad fara badan oo u dabaal dagaayey xoriyadii gobolada Waqooyi ay ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.
XAQIIQO NEWS- MUUQAALO
Xilli lagu jiro maalmaha loo asateeyey dabaal degga xoriyadda, Bogga Keydka ee “Somali Archive” ayaa baahiyey muuqaal ku saabsan sidii Hargeysa looga dabaal dagay maalintaas sanadkii 1960.
Dad badan oo ku faraxsanaa isbadalka dhacay ayaa isagu soo baxay wadooyinka Hargeysa iyaga oo ruxaayey calanka buluugga ee dhaxda ku leh xidigta cad. calanka Soomaaliya.
Sidoo Kale Aqri: Midnimo Mise Kala Tag? Askari Somaliland Jooga Ayaa Ka Jawaabay
Hargeysa iyo dabaal-dagii Maalintii Xoriyada ay heleen oo ku beegan beri 26 juun-1960.
Posted by Somali Archive on Friday, 25 June 2021
26-kii Juun sanadkii 1960-kii goboladii Waqooyi ee Soomaaliya ayaa xoriyadda ka qaatay gumeystihii Ingiriiska, iyadoo 4 maalin ka dibna goboladii konfureed ay iyagana ka xoroobeen gumeystihii Taliyaaniga, waxaana 1-dii Luulyo 1960 asaasmay jamhuuriyadii Soomaaliya.