VIdeo HD:Alshabaab oo filim Cusub Soo saaray Iyo Abu Subeyr Oo Ka Soo Muuqanaya

-

Filimka oo loogu magacdaray Masiirka Sugnaanta ayaa waxaa si aad ah looga hadlayaa waxa ay ay xarakadu ugu yeertay halganka iyo taariikhda jihaadka ee Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr ,waana markii ugu horreysay oo filim lagu soo muujiyo Wajiga Sheekh Abuu Zubeyr Hoggaamiyihii Hore ee Xarakada Al Shabaab.

Muuqaalkan oo soconaya 1:24 ayaa waxaa lagu arkayaa Sheekh Abuu Zubeyr oo xiran dhar madow, kuna hubeysan qoriga AK47, sidoo kale waxaa looga hadlayaa taariikhdii Ururadii Maxaakimta iyo Al Itixaan oo Soomaaliya kasoo dagaallamay , laga soo bilaabo sagaashameeyadii iyo sida ay ku aas aasmeen iyo bilaabashadii Maxkamadihii Islaamiga.

Waxaa kaloo muuqaalka looga sheekeynayaa waxbarashadiisa dalka Pakistan iyo dagaaladii uu ka soo galay dalka Afghanistan. illaa soo laabashadiisii Hargeysa dhamaadkii sanadkii 1999 iyo imaanshihiisa Koofurta Soomaaliya sanadkii 2003-dii.

Bishii September sanaddii 2014 ayay dowladda Mareykanka duqeyn xagga cirka ah ku dishay Sheekh Abuu Zubeyr xilli uu ku sugnaa duleedka degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

Halkan Ka Daawo Filimka Oo Mp4 ah
halkan Ku Daawo link Facebook ah

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...