Video.. Jeesow Oo Ka Baxay Garabkii Farmaajo xog Cusubna Sheegay

-

Xil. Jeesoow oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka kuwooda ugu codka dheer ayaa dhawaan soo saaray digniin uu siinaayo Farmaajo arintaasi oo dad badan u arkeen isbadal siyaasadeed.


XAQIIQO NEWS- MUUQAAL

Jeesoow oo wareysi siiyey Telfishinka Somali Cable Tv ayaa fashiliyey qorsho ay Kenya ku dooneyso in ay saameeyn ku yeelato doorashada la filaayo in ay Soomaaliya ka dhacdo.

Daahir Jeesow ayaa ku tilmaamay “arin aad looga wanaagsan yahay” qorsho ay Kenya uga dhaadhicineyso madaxda waqtigeedu dhammaaday in wasiirka arimaha dibadda Kenya loo soo diro Soomaaliya, arintaasi oo hadii ay dhacda foolxumeyneysa doorashada Soomaaliya-sida uu Jeesow aaminsanyahay.

Sidoo Kale Aqri: Waa Kee Musharaxa Uu Jeesow Tilmaamay Ee Aan Madaxweyne Noqon Karin ?

Jeesow ayaa carrabka ku dhuftay in booqashada Kenya ay xambaarsanaan karto qodobo ay ka mid yihiin: in Madaxda ay uga faa’ideysata waqtiga nugul ee “ololaha” , arintaasi oo keeni karta in madaxda arin fudud looga badasho ganacsigii muqaadaradka iyo dacwadii badda.

Hadalka Jeesow waxaa ku jiray digniin uu Farmaajo iyo madaxda waqtigeedu dhammaaday kaga digaayo in ay ku dhacaan dabinka Kenya waliba waqtigan xasaasiga ah ee la dhowraayo doorashooyinkan sidoo kalana dhagta kor loogu tagaayo go’aanka maxkamadda ee dacwadda badda.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Xog Badan Iyo Faafaahin

XILDHIBAAN JEESOW’ WAXAAN UGA DIGAYAA MD FARMAAJO IN HESHIIS QARSOODI AH AY DOWLADIISA LA GASHO KENYA.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow” Waxaan uga digayaa Dowlada Soomaaliya in xiligan oo Doorasho lagu jiro ay Heshiis qarsoodi ah la gasho Dowlada Kenya. Madaxda sare ee Dalka oo uu ka mid yahay Farmaajo waxaan u sheegayaa hadii uu heshiiskan galo in wax badan ay ug halaabi doonaan, cid walba uu hormuud u noqotana ay ku fashilmi doonto.

Posted by Official Somali Cable on Saturday, 7 August 2021

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...