Video-kan Ayuu Jeesow Ku Qaatay Nobel Parize!

-

Xildhibaan Daahir Amin Jeesow ayaa soo duubay Muuqaal “caqli celin ah” oo si dhaw uu ula dardarmaayo madaxdii hore ee dalka Shariif iyo Xasan sheikh Maxamuud.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Xildhibaan Jeesow oo ay ka muuqatay deganaan dheeri ah ayaa la yaabay caqliyadda shariif iyo Xasan ee taageereysa Madaxweyne aysan jirin cid aqoonsan marka laga reebo dadka isaga doortay

Jeesow ayaa yiri “mudane wixii ka dhacay Kismaayo ma aheyn doorasho’ sumcadaada ayeyna wax u dhimeysaa in aad teegeerto, waana fahmi karnaa waxa aad uu taageereyso Axmed Madoobe in ay tahay ku xumeyn, taasina waxa ay dhib ku tahay shacabka Soomaaliyeed ee la dulmay”.

Jeesow ayaa Xasuusiyey madaxdan mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaaweyn ee mustaqbalka anfici kara, oo ah in ay raadiyaan taageerada aqlabiyadda shacabka Jubbland oo uu jeesow ku tilmaamay dad ka badan Hal milyan iyo bar qof oo ku nool gobolada Jubbooyinka.

Sidoo Kale Aqri: Xil. Jeesow Oo Ku Baaqay In Axmed Madoobe La Soo Xiro

“Hadii maanta aad taageerto waxa uu Axmed wado, shacabka intaasi la eg oo aad codkooda u baahantahay sinaba kuguma codeynayaan” ayuu yiri Jeesow.

“Gudoomiyaheygii, Madaxweynaheygii, sheikheyga sharafta leh sheikh shariif sheikh Axmed wan ku salaamaya, ugu horeyn waa in aad ogaataa waa kuma Axmed Madoobe” ayuu yiri Jeesow oo doonaya in Shariif kula dooda xasuusiya khaladaadkii uu Axmed Madoobe ka galay isaga shakhsi ahaan xitaa marka laga soo tago khaladaadka kale,

“Axmed Madoobe waa nin adigoo Maxakamadaha hogaaminaya ku khiyaanay oo Alshabaab hoostaada ka dhisay, guddoomiye kixgeenka isaga ka noqday, sidoo kale waa ninkii adigoo Madaxweyne ah ku soo kaxaeystay Kenya oo ciidan aan Amisom aheyn dalka soo giliyey”.

Muuqaalka hoose ku daawo faafaahin badan

https://www.youtube.com/watch?v=uC67UlchGRQ

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...