Kaamirada markab-xiddigeedka NASA ee lagu magacaabo “rover perseverance” ayaa meeraha deriskeena ah ee Mars ka soo duubtay muuqaalka wax cajiib ah oo lagu arkay cirk Mars taasi oo dadka siyaabo kala duwan u fasirteen
XAQIIQO NEWS- SAYNIS/MUUQAALO
20-ka bishan Agoosto, kaamirooyinka leex leexsama ee ku rakiban dhinacyada markab-xiddigeedka “rover perseverance” ayaa soo duubay muuqaalo xiiso leh oo lagu arkaayo shay duulaya cirka meeraha Mars,
Bogga Tuwiterka ee “NASA’s Perseverance Mars Rove” ayaa muuqaalkan soo dhigay isaga oo ku soo dul qoray “cirku waa cajiib meeshii aad rabto joog, sawirkan waxaan qaaday aniga oo isku dayaaya in daruurto daawda laakiin wax kale ayaan arkay”
Sidoo Kale Aqri:NASA Oo Baahisay Sawirrada Qoys Ku Nool Mars!
Waxa uu intaasi ku daray “si fiican u fiiri waxaad arkeysaa Deimos, waa mid ka mid ah labada dayax ee Mars leeyahay”.