Video..Wariyaal Caan Ah iyo Madax Ku Dhawaaqaya “Shacabka Isra’ill Ha Noolaado”

La Wadaag Asxaabtaada

Wadahalada Ka Furmay Baxreyn lagam filaayo in ay keenaan “Nabad” hase ahaate waxa ay Keeneen in Lagu tukado Salaadda ” minyan ” gudaha Khaliijka Carabta.

Xaqiiqonews-Wararka Dibadda,Muuqaalo.

Waxaa caasimadda Baxreyn ka furmay shir lagu dhaxdhaxaadinayo Israa’iil iyo Falastiin balse xilli horaba shirka waxaa qaadacay falastiiniyiinta oo sheegey in Mareykanka uusan dhexdhexaad ka noqon karin Israa’iil iyo Falastiin.

Dhanka kale Maalintii Arbacada oo lagu waday in shirka la isku diyaariyo ayaa dhankooda yahuudda waxa ay sameeyeen roondooyin iyagoo sidoo kale salaad ku tukaday Kaniisad ku taal Magaalada Manama ee Baxreyn.

Jason Greenblatt oo ah ergeyka Trump u qaabilsan bariga dhexe ayaa yiri “Tani (Salaadda) waa mustaqbalka la doonaayo in ay ku wada noolaadaan yahuudda iyo carabta”.

Dadka iskugu soo baxaya salaadda ayaa waxaa ka mid ah Jason Greenblatt oo ah ergeyga Trump ee bariga dhexe, sidoo kale waxaa salaadda qeyb ka ahaa madaxa wargeyska newyork times u qaabilsan Qudus iyo dad kale oo caan ah.

Waxa ay ku dhawaaqayeen ” Cam Yisraa’ill Xay” oo af- soomaali marka loo tarjumo noqoneysa “Shacabka Israa’iil ha noolaado”

Qeybta hoose ka daawo muuqaalka


FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada