Waa Ayaantee Maalinka Koowaad Ee Ciidul Fidriga?

Webseetka “”طقس العرب” ayaa sheegay wadamada ugu badan ee carabta in bisha shawaal ay bilan doonto galabnimada jimcada ee ku aadan 22 May 2020.


Xaqiiqonews-Xiddigiska

Webseetka ayaa sheegay, wadamada Suudaan, cumaan iyo Marooko in bishi ay bilan doonto 23 May galabnimada Sabtiga ah.

Baaritaanka uu sameeyey webkani ayaa sheegeysa in bilashadeeda jimcada aysan macquul aheyn in lagu arko isha oo qaawan ama xitaa weyneysa “telescope”.

Marka arimahani oo dhan la isku xooriyo, webseetka yaa sheegay in galabnimada sabtida la arki karo bisha, sidaa darteed maalinka Axadda ayaa noqon doonto maalinka koowad ee Ciidul fidriga ee wadamada muslimiinta qaar, uu sacuudiga kow ka yahay.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA