Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

-

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Imaaraatka.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Qoraalka wakaaladda ayaa lagu yiri “Wasaaradda arimaha madaxtooyada waxa ay ogeysiinaysaa shacabka imaaraatka, umadda carabta, dunida islaamka iyo guud ahaan caalamka in uu dhintay mudane Shiikh Khalifa bin Zayed maanta oo jicmaha oo ku beegan 13-ka May.”

Xaakima Imaaraatka ayaa laga waayey meelaha caamka ah tan iyo sanadkii 2014-ka oo lagu sheegay in uu ku dhacay xanuunka Istarooka.

Madaxtooyada Imaaraatka ayaa horay u beenisay warar la isla dhaxmaraayey oo ku saabsanaa in xanuunka Kansarka uu ku dhacay Sh. Khalifa bin Zayed ka dib markii laga waayey goobaha caamka ah.

Madaxtooyada ayaa intaasi ku dartay in Shiik Khalifah uu ku dhacay xanuunka istarooka, sanado badana uu la daala dhacaayey daaweyntiisa, hase ahaate cudurka ku dhacay Shiikha ayaa gaaray meel aad u xun.

Intii uu xukunka haayey waxa uu dalka Imaaraatka gaarsiiyey “barwaaqo sooran”, sidoo kale Imaaraatka ayaa saameyn ku yeeshay siyaasadda gobolka iyo tan caalamka arintaasi oo waddankaasi yar u sameysay saaxibo iyo cadow badan.

Wararka U Dambeeyey

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...

Muxuu Qirtay Muxuuse Inkiray Yaasiin Fareey

WARKA: Wareysi socday wax ka badan nus saac oo si bablik ah loo shaaciyey ayuu Yaasiin Fareey kaga hadlay...

RW Israa’iil Biniit Oo Yiri Waxaan Ku Dhownahay Burbur!

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Naftaali Biniit ayaa niyad xumo ka muujiyey mustaqbalka Yahuudda,waqti dalkaasi uu wajahaayo kala qeybsanaan baahsan oo...