Waa Kan Ninka Ka Badbaaday Qaraxyada Ugu Badnaa Ee Al-shabaab Qof La Beegsato?

La Wadaag Asxaabtaada

C/qaadir Nuur Siidii gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa galabnimadii talaadada ka badbaaday qarax miino oo Al-shabaab kula beegsatay meel u dhaw xerada Balidoogle.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu ka badbaaday qarax ay Al-shabaab la beegsadeen, C/Qaadir Siidii oo Jarmalka loogu qaaday dhaawacyo iyo firir ka soo gaaray qaraxyada Al-shabaab dartood ayaa idaacadda kulmiye wareysi uu kal hore siiyey ku sheegay in uu yahay ninka ugu badan ee Al-shabaab ay beegsatay isaga oo sheegay in uu ka badbaaday qaraxyo badan.

Siidii ayaa ka badbaaday qarax lagula beegsaday 2015 inta u dhaxeysa ceelasha biyaha iyo Afgooye, sidoo kale waxa uu ka badbaaday isku day ay Al-shabaab ku doonayeen in ay ku qabtaan isaga oo ka dhacay Baraawe.

Siidii waxa kale uu ka badbaaday qarax kooxda ay kula beegsatay guri uu ku sugnaa oo ku yaalay Qoryooley isla sanadkii 2015

Sanadkii 2012 C/qaadir Siidii oo sidoo kale xiligaasi ahaa gudoomiyaha Shabeelaha hoose ayaa ka badbaaday qarax lagula beegsaday inta u dhaxeysay Leego iyo Yaaq biraweyne.

Sidoo Kale Aqri: Gantaal Noocee Ah Ayey Al-Shabaab Ku Sameeyeen Gudaha Soomaaliya?

Waxaa jira weerar badan oo aysan noo suurtagalin in aan helno waqtigii iyo goobta ay ka dhaceen, kuwaasi oo lala beegsaday Siidii.

Waa kuma C/qaadir Siidii?

Hadii aadan aqoonin C/ Qaadir Siidii waa ninkii ugu horeeyey ee taxadi la galo Al-shabaab isaga oo balan ku maray in uusan timaha iska xiiri doonin ilaa ciidana Dowladda qabsadaan Baraawe, waxaa uuna madaxa iska xiiray markii Al-shabaab ay ka baxeen Baraawe

Siidii ayaa ah gudoomiyaha ugu waqtiga dheeraa ee gobolka Shabeelaha Hoose hogaamiya, waxaana bishii Nofeembar ee sanadkii tagay 2020 mar seddexaad loo magacaabay in uu noqdo gudoomiyaha gobolka Sh/Hoose.

Al-Shabaab ayaa Siidii u aragta beegsiga “dooq koowaad ah” waxa ayna dhowr mar la beegsadeen isku day dil.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada