Waa Kan Wajiga Kale ee Mareykanka Weyn..38 Milyan ayaa Ku Nool Faqri.

La Wadaag Asxaabtaada

Mareykanka waxaa ku yaalo shirkadaha ugu badan ee aduunka ugu weyn,Sidoo kel Waddanka waxa ku yaala 7 jaamacadood oo ka mid ah 10-ka jaamacadood ee aduunka ugu fiican.


Xaqiiqonews-Wararka dibadda

Intaaso oo dhan iyada oo ay jiraan ayaa Malaayiin ka mid ah dadka Mareykanka waxa ay la dhibaatoonayaan Faqri, Sidee ku dhacday? Maxaa Sababay? Website-ka Aljaziira ayaa warbixin ka qoray.

Dadka barakacayaasha ee ku bara kacay gudaha Mareykanka(homeless people) ayaa gaaray 553 kun oo qofood sanadkii la soo dhaafay, ragga ayaa ah 70%, halka caddaankana lagu sheegay in ay ka yihiin 49% barakacaaysha.

Dadka aan Caafimaadka Heysan.

Dadka aan helin wax gargaar caafimaad ee ku nool gudaha Mareykanka ayaa gaaray 30.4 Milyan oo qof sanadkii la soo dhaafay 2018-ka, waxaana jirta in dadka waddankaasi ku nool ay xaq u leeyihiin in ay lagu daweeyo isbitaal walbo qarashkana qofka uu gadaal ka bixin karo.

Heerka Shaqa la’aanta

Ilaa hadda Mareykanka waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah wadadamada ugu baadamuudada yar, iyadoo dadka aan shaqeynin lagu sheegay 3.5% halka celcelis ahaan saacaddii qofka shaqaalaha ah uu qaaabto 28 doolar.

Gobolada ugu faqiirsan Mareykanka waa Kuwee?

Gobolka Firjiiniya (Virginia) ayaa lagu tilmaamay in uu yahay gobolka ugu faqiirsan Mareykanka, shaqa la’aanta ayaa gaareysa 19.1%, dadka gobolkaasi ayaana tiro ahaan lagu sheegay 1.9 Milyan oo qof.

Sidoo Kale Aqri Mareykanka Oo Awooddiisa Gacantiisa Ku Burburinya

Gobolka Mississippi ayaa ku soo baxay kaalinta labaad iyadoo heerka faqriga gobolkaasi lagu sheegay 19.8%

Arkansas ayaa galay kaalinta seddexaad, gobolkani oo hoy u ah 3 Milyan oo qofood ayaa lagu sheegay heerka faqrinmada uu maraya 16.4 %

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada