Waa Kan Waqtiga Ciidul-Adxaa Ee Sanadkan 2020

La Wadaag Asxaabtaada

Hay’adda midowga xiddigiska carbeed ayaa shaacisay waqtiga loo balansanyahay ciidul-adxaa(ciid weynta) ee sanadkan.


Xaqiiqonews-Xiddigiska

Bisha thil xij oo sidoo kale loo yaqaan bisha carafa ee sanadkan 1441 H, ayaa la filayaa in ay bilato 20 july isniin, saacadu marka ay tahay 21:33, taasi macnaheedu waxa ay tahay bisha ay bilan doonto qorax dhaca ka dib, si maalinka xigta ee 21 july ay u noqoto maalinka koowaad ee bisha carafa.

Banka carafa ayaa la istaagi doonaa maalin khamiis ah 30 July, maalinka xigta ee 31 july ayaana noqoneysa maalinka koowaad maalmaha ciid weynta-sida uu sheegay Ibraahim Aljarwaan oo ah xubin ka tirsan midoga xiddigiska carbeed.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda xajka Sacuudiga uu u sheegay wargeyska Biritan ka soo baxa ee “Financial Times”, in Sacuudiga uu kansalaayo xajka markii ugu horeysay taariikhda tan iyo markii boqortooyada la asaasay 1932ka dib markii tirada dadka uu ku dhacay covid-19 33 gudaha sacuudiga ay kor u dhaafeen 100 kun.

Dadka Xajka aada sanad walbo ayaa lagu sheegaa 2.5 milyan oo qof, dowladda Sacuudiga ayaana sanad walbo ka sameeya lacag dhan 12 Bilyan oo doolar.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada