Cilmi-baarayaal reer Switzerland ah ayaa sheegay in qaadashada shaaha madow ay tahay hab waxtar leh oo looga hortago nooca 2aad ee sokorta “diabeteska”.
Xaqiiqonews.com-Caafimaad
Cilmi-baarayaashan oo ka tirsan kooxda wax baarta ee Mining International ayaa waxa ay xaqiijiyaan awoodda shaaha madow uu u leeyahay yareynta qatarta ka imaaneysa nooca 2aad ee sonkorowga, ka dib markii la falanqeeyey baaritaano laga sameeyey 50 dal.
Sida laga soo xigtay wargeyska European Journal of Nutrition, , shaaha madow wuxuu caawiyaa ciribtirka miisaanka xad-dhaafka ah, sababtoo ah waxa uu si gaar ah u saameyaa xuubka mindhicirka, isagoo ka qeyb qaata korinta bakteeriyada ka hortageysa baruurta jirka ku jirta.