Waa Kee “Abu-AK47” Oo Ah Ninkii Hargeysa Ka Qaylisiiyey?!

La Wadaag Asxaabtaada

DF-ka Ayaa Xiriirka u jartay Dowladaa Gini , taasi oo daba socotay Ka Dib Markii Somalind ay Casumaad ka heshay Dowladda Gini. arinkaasi oo Df- ay ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha.

Khilaaf Ayaa hadda gaaray meeshii “ugu Xumeyd” waxaana labada dhinac ay hawada isku mariyeen hadallo Xanaf leh.

Mar walbo oo xiriiirka xumaada ayaa dhankeeda Somaliland waxa ay miiska soo saartaa fal dacwadeed ku saabsan dambi uu geystay nin hargeysa dhaxdeeda looga yaqaan “Abu AK47” balse waxa ay su’aasha tahay waa Kuma “Abu AK” oo Hargeysa ay ku andacoota in uu dambi ka galay?

Eedeysanaha Ilaa hadda ma qiranin wax dambi ah, waxa uuna ka maqan yahay noolasha oo dhan, Magaciisa oo buuxa Waa Maxamed Siyaad Barre waxaa uu ku eedeysanyahay Dhac iyo Dil uu u geystay Cid walbo oo fikirkiisa ka hortimid.

Sidoo Kale Aqriso: falanqeyn-muuqaalkii-abu-bakr-al-baqdaadi

Suuragal ma ahan waqtigan in eedeysanaha la marsiiyo wax ciqaab ilaa la sameeyo baaritaano dhab ah, taasi oo haadda aan dhici karin, maxaa yeelay waxaa uu ka maqan yahay “goobta adeegga” , sidaa awgeed Somaliland waa in ay dib ula laabataa dhammaan dacwadaha aan “la qaadi karin” ee beegsanaya qof noolasha ka maqan ku dhawaad rubac qarni.

Wax kale Oo Ka Sii Daran!!

Hadii Somaliland ay dooneyso in loo maxkamadeeyo Siyaad Barre, Xukunka uga adag ee maxkamadi ay ridi karto waxaa uu noqon lahaa “dil toogasho” oo qisaas u ah dadkii la dilay.

Haddaba waa Maxay noolasha reer Somaliland ay u diidan yihiin “Siyaad barihii geeriyooday” iyagoo mar walbo ku dooda in ay cadaalad u raadinayaan dadkii laga laayey!

Siyaad waa uu geeriyooday… Waxaana la geriyooday dhamaan wixii uu sameeyey.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada