Waa Kee Abu-Catta..Ninka Israel Duqeynta Ku Dishay?

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa uu soo qaatay nolol ay ka buuxaan dagaal iyo halgan dheer oo ka dhan ah Israa’iil ilaa hogaamiye Bahaa Abu-Cataa lagu dilay duqeyn diyaaradeed isaga iyo xaaskiisaba


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Saraayaa Al-Qudus oo ah garabka hubeysan ee Kooxda “Xarakat Jihaad Al Islaamiyi” ayaa sheegtay in jawaabta ay ka bixinayaan dilka hogaamiya Abu-Cattaa aysan noqon doonin mid xadidan.

Haddaba Waa Kuma Baha Abu -Catta?

abu Catta waxaa uu ka mid ah rag uga cad cad ee hogaamiya garabka Saraaya al-qudus, warbaahinta Yahuudda ayaa ninkani ugu yeeri jirtay “Bamka waqtiyesan”.

ISraa’iil ayaana ninkani duqeyn ku dishay subaxnimadii Talaadada, Howlgalkani oo yahuudda ku sifeeyeen “Mid heer sare ah” ayaa lagu beegsaday guri uu daganaa abu-catta oo ku yaalla Magaalada Ghaza.

Sidoo Kale Aqri Gantaal Casri Ah Oo Haleelay Waqooyiga Talaabiib..Waxa Soo Socda Ayaa Ka Daran

Duqeynta ayaa sababtay in ay dhintaan Abu-Catta iyo Xaaskiisa, waxaana la sheegay in hilbahooda oo faniinay ayaa ku dhaceen iskool deris la ahaa sidoo kale waxaa uu dhaawac soo gaaray afar caruur ah oo ay dhaleen.

Goobta duqeynta ay ka dhacday waa degmada “Alshijaaciya” ee Ka tirsan Ghaza, waxa ayna xaafadaasi ka mid tahay goobaha ugu saxmadda badan Ghaza.

Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee Falastiiniyiinta, Abu Catta waxa uu ku dhashay xaafadda “Alshijaaciya” ee Ghaza sanadka markuu ahaa 25-11-1977,isla halkaasi ayuuna dugsi sare ku dhameystay, waxa uuna ka baxay jaamacad isaga oo bartay “Cilmiga Bulshada”.

Warbaahinta Cibraaniga ee Chanel 2 ayaa sheegtay in abu-Catta uu ahaa ninka bixin jiray go’aanada weerarada gantaalaha ee lagu qaadi jiray deegaanada Yahuuddu xoogga ku qabsatay.

Chanel 2 ayaa sheegtay in Mareykanka uu horay cunaqabteyno u saaray Abu Catta iyagaa oo yiri “Ninkani halis kuma aheyn Israa’iil oo kaliya”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada