Isbabadalka iyo wajiyada badan ee Fayruska Karoona waxa ay sababtay in uu soo baxa eray bixin cusub oo la dhaho ‘Foloroona muxuu yahay cudurkan maxaan lagu gartaa warbixintan ayaad uga bogan doontaa.
XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD
Kiiskii ugu Horeeyey ee caabuqan ayaa laga helay magaalada Tel Afiif ee Israa’iil, caabuqan ayaana ka dhashay labada cudur ee kala ah ee Karoona iyo Hergabka oo isku tagay.
Caabuqa cusub ee Faloroona oo ah laba caabuqle ka yimid Karoonaha iyo Hergabka ayey warbaahintu Israa’iil ku warantay in kiiskii ugu horeeyey laga helay haweeney uur leh.
Caabuqa Falaroona ayaa soo imaanaya waqti dunida ay la tacaaleyso faafitaanka xad dhaafka Omikroon oo ah cudur ka dhashay Karoonaha.
Calaamadaha lagu garto cudurka cusub ee Falaroona waxaa ka mid ah
- Qandho darran
- xabad xanuun
- neef qabatin
- abateetka oo dhuma
- walaac
Hay’adda caafimaadka WHO waxa ay sheegeysaa in laba caabuqlahaan lagu daweyn karo guriga umana baahna isbitaal, waxa kale oo hay’adda soo jeedineysaa dadku in ay raacaan tallaabooyinkii ka hortagga Karoonaha sida in dadku kala fogaadaan iyo in la xirto af-saarka.