Waa Kee Imaamka Soomaliga ah Ee Dadka Ku Tujiyey Masjidka Aya Suufiya?

La Wadaag Asxaabtaada

Shiikh Maxamed Idiris ayaa boggiisa Facebook soo dhigay muuqaal gaaban oo ku saabsan Sh, Cabdi Rashiid Cali Suufi Oo Imaam Salaad subax ka noqday masjidka Turkiga Ku Yaal ee Caanka ah “Aya Suufiya”.


XAQIIQO NEWS- MUUQAALO

Qoraal uu soo dhigay bogiisa Facebook Idiris ayaa yiri ” Maanta oo ah 29/10/2020 salaaddii subax waxaa masjidka caanka ah ee “Aya Sofya” muslimiinta ku tujiyey Sh. Cabdirashiid Sh. Cali Suufi”

Isaga oo qoraalkiisa sii wata ayuu daba dhigay ” taas oo ah arrin taariikh ah soomaalina sharaf u ah ummadaha islaamka dhexdooda. “.

Sidoo Kale Aqri: Waa Kee Maxbuuskii Taalibaan ee Wadahalka Kula Jiray Pompeo?

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa masjidkka Aya Sufiya dib ugu soo celiyey masjidnimadiisa bishii July ee sanadkani. iyadoo masjidkani loo adeegsan jiray kaniisad iyo matxaf ahaan muddo ku dhaw qarni.

Halkan hoose Ka Daawo Muuqaalka

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada