Waa Kee Saadaq Dagaalyahankii Hogaamiyey Weerarkii SYL?

La Wadaag Asxaabtaada

Andulus oo ah idaacadda ku hadasha Afka Alshabaab ayaa amaan balaaran u soo jeedisay nin ay ugu yeertay “Saadaq” kaasi oo hogaaminaayey dableydii weerartay SYL.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

DF-ka Soomaaliya ayaa sheegtay in la toogtay dhammaan dadkii weerary SYL oo tiradooda ay ku sheegtay 5 qof.

Idaacadda Alshabaab oo barnaamij gaar ah ka sameysay weerarkii SYL ayaan marna sheegin tirada iyo halkii ay ku dambeeyeen dadkii weeray SYL iyagoo ku gaabsaday in weerarka uu qaatay 8 saacadood islamrkaana ay laayeen wax ay ugu yeereen “Cadow badan”.

Xaqiiqonews Ayaa heshay macluumaad gaar ah oo ku saabsan hogaamiyihii weerarka SYL oo magaciisa lagu sheegay oo kaliya “Saadaq”.

Saadaq waxaa uu ka mid yahay dhalinyarada iyaga oo aad u yar ku biiray Alshabaab, waxa uuna ku jiraa da’aada labaatameyada, waxa uu ka tirsanaa guutada Inqimaasiyiinta ee kooxda mayalga adag ee Alshabaab.

sidoo kale Aqri Waa Kuwan Magacyada Iyo Sawirada Qaar Ka Mid Raggii Ku Dhintay Weerarkii SYL

Saadaq ayaa beel ahaan ka soo jeeda “Gaaljecel” , ka hor inta uusan ku biirin kooxda “isqarxinta” waxaa uu ka tirsanaa ciidanka lugta Alshabaab e loo yaqaan “Fursaanta”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada