Waa kee Taleefoonka Cusub ee Bitirigiisa Dabka Ceshan Karo 50 Maalin ?

-

Cabashada ugu badan ee ka taagan taleefoonada Caqliga leh “Smart phones-ka” waa dab keydsashada biitiriga, taleefoonada dabkooda ceshan karo muddo 2 maalin ah waxa aan u aragnaa kuwa “Heersare ah”.

Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Shirkadda Energizer  ayaa shaaca ka qaatay taleefoon leh bitiri awood leh, kaasi oo ay ku tilmaameen “Xal la taaban karo”  oo dabooli kara baahida isticmaalayaasha.

Bitirigan cusub ayaa ka xishoodsiinaya bitiriyada hadda suuqa yaalla, waxa ayna shirkadda leedahay waxa uu dabka celin karaa 50 maalmood, sidoo kale waxa aad ku dhageysan kartaa cod muddo dhan 100 sacaadood oo xariir, taasi oo ay dheertahay in aad ku dawaan karto muuqaal si xariir ah muddo dhan 2 maalin.

Amaanta uu taleefonka ka helayo awoodda  bitirigiisa, ayaa dhanka kale waxaa uu luminayaa qeyb muhiim u ah taleefonada waa “Baaxadda”, taleefoonka ayaa yeelanaya baaxad aad u weyn oo sababteedu uu leeyahay bitiriga weyn, durbaba waxaa soo baxay erayo loogu naaneysaayo taleefoonka cusub, waxaana ka mid ah naaneysta ah “Wiilka Buuran”.

Inkastoo Wararka taleefonkan laga sii tabinaayo ay u muuqdaan kuwa “Kaftan ah” hase yeeshee Energizer ayaa waddo qorsho ay ku soo dooneyso in ay ku soo saarto,.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...