Waa kuma Gavin Williamson Ninka Qalafsan Ee Ictiraafka U Raadinaya Somaliland?

-

Siyaasiga Gavin Williamson kaasi oo saxaafadda Ingiriiska ay ugu yeeraan “ninka qalafsan” ayaa ka soo muuqday shaashadda bbc-da isaga oo su’aalo laga weydiiyey mooshinka uu geeyey baarlamaanka Uk.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Gavin Williamson ayaa caan ku ah doodihiisa muranka dhaliya, waxa uuna dhowr mar jeediyey hadalo buuq ka dhax dhaliyey Uk.

Sida uu qoray The Guardian bartamihii sanadkii tagay, Williamson oo xiligaasi ahaa xoghaya arimaha waxbarashada ayaa kiciyey dood ka dib markii uu ku jeesjeesay heesta qaranka ee Hal Biritan, taasi oo dood ka dhax abuurtay midnimo doonka iyo qolyaha gooni u goosadka ee ka soo jeeda Iskootlandh, Wales iyo Waqooyiga Ayrlandh

Qaar ka mid ah gooni u goosadka ayaa faafiyey sawirrada ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Boris Johson oo wajigiisa lagu dhajiyey sawirka hogaamiyaha kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, waxa ayna ku jees jeeseen waxa loogu yeero Qaranka weyn ee Biritan!

Gavin Williamson ayaa habeenkii talaadada Barlamaanka Uk hor geeyey doodda aqoonsiga Somaliland, taasi oo sababtay in Barlamaanka Uk ay soo saaran mowqfikooda ku aadan Soomaaliya iyo Somaliland.

Vicky Ford oo ah wasiirka UK u qaabilsan Afrika ayaa boggeeda Tuwiterka ku soo qortay in gabagabada dooddii barlamaanka UK ay noqotay isla siyaasaddii hore ee UK oo aheyd in mustaqbalka Soomaaliya iyo Somaliland uu yahay mid u yaalla Soomaalida.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...