Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa u dhintay wadne istaag, ka dib markii maxkamad la soo taagay, sida uu baahiyey Telefishanka qaranka Masar , laakiin waa kuma Mohamed Mursi?
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Dhalashadiisa
Maxamed Morsi Issa Al-Acayat wuxuu dhashay 1951kii, isagoo ku dhashay tuulada Al-cadawa, oo ku taalla bartamaha Gobolka Al-Sharqiya, waqooyi-bari ee Qaahira.
Waxbarashadiisa
Waxaa uu ku xifdiyey Qur’aanka a Kariimka ah gobolkiisa Al-Sharqiya,isla halkaasi ayuuna ku soo qaatay wax ka barashadiisa dugsiga hoose/ dhexe iyo sare ,ka dibna waxaa uu u guuray Qaahira si uu u barto jaamacad, Kuliyadda injineeriyadda ayuuna ka qalinjabiyey, sidaasi ayuuna ku helay Bachelor of Engineeringsanadkii 1975-kii,.
Waxa uu ku shaqeeyey caawiye macalin, ka hor inta uusan deeq waxbarasho ka helin jaamacadda University of Southern California ee Mareykanka, halkaasi uu ku soo qaatay Master iyo Shahaadaha PHD isaga oo bartay Cilmiga Difaaca Matoorada .
Waxaa uu Macalin ka soo noqday dhowr jaamacadood oo Mareykanka ka tirsan oo ay ka mid yihiin jaamacadaha California, Northridge iyo Los Angeles. ka dibna waxaa uu ku soo laabtay Qaahira isaga oo macalin ka noqday,ka dibna waxaa uu uga sii gudbiday in uu macalin ka noqday jaamacadda Alfateh ee dalka Liibiya.
Siyaadsadda iyo Afkaartiisa
Maxamed Mursi ayaa si buuxda uga milmay hogaanka sare ee ururka Ikhwaanul-muslimiin isaga oo dhowr jago oo waaweyn ka soo qabtay.
24 Juun sanadkii 2012 guddigii doorashooyinka Masar ayaa iclaamiyey in Mursi uu ku guleystay xilka Madaxweynenimo wareegii labaad ee doorashada.
Iyada oo sanad un uu xilka haayo Maxamed Mursi, ayaa Cabdifataax Siisii uu sameeyey afgambi bishii July 2013, iyadoo wixii intaasi ka dambeeyey Mursi loo gudbiyey xabsi, waxa uuna dhowr jeer ka soo muuqday maxkamad isagoo loo jeediyey eedeymo ku saabsan in uu dilay xoogna u isticmaalay dad mudaaharaadaayey.
Wararka ayaa sheegaya in Mursi uu geeriyooday galabnimadii isniinta 17 July 2019, ka dib markii uu soo idlaaday fadhi isaga lagu maxkamadeeynayey.