Waa Kuma Muxyidiin Warbac Oo Badalay Booskii Yaasiin Fareey?

-

Mahad Salaad ayaa taliyaha NISA ee gobolka Banaadir u magacaabay Muxiyidiin Warbac Shadoor oo horay uga tirsanaan jiray NISA.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Magacaabista Muxiyidiin Warbac ayaa imaaneysa 4 maalin ka dib markii golaha wasiirada ay ansixiyeen Mahad Salaad oo noqday agaasimaha nabadda sugidda NISA.

Warbac waxa uu horay uga tirsanaan jiray NISA, isaga oo qeyb ka ahaa saraakiishii howlgalkii loogu magac daray xasilinta Muqdisho, howlgalkaasi oo nabad sugidda ay si siman ugu fulisay dhammaan xaafadaha Muqdisho.

Isbadalka ku yimid hogaanka NISA ayey dad badani filayaan in uu wax ka badalo aragtida laga qabo hay’adda oo noqotay mid xun ka dib dilal iyo afduubyo dhacay oo NISA lagu eedeeyey.

Waxyaabaha kale ee la isla dhax maraayo waxaa ka mid ah: in uu socdo qorsho magaca looga badalaayo NISA iyo sidoo kale in hay’adda laga dhigo mid rasmi ah oo sharciyeysan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...