Waa kuma sheikh cumar cabdiraxmaan oo ku dhintay xabsi mareekanka ah+muuqaal usaama bin laden oo ka hadlay waqti hore

-

Allaha unaxariistee waxaa xabsi kuyaal gudaha wadanka Mareykanka ku geeriyooday sheekha caalimka ah Dr.Cumar Cabdi Raxmaan oo in kabadan 25 sanadood u xirnaa Mareykanka.

Gabadh uu dhalay Sheekh Cumar ayaa baraha bulshada ee Internetka ku sheegtay in aabaheed uu dhintay xabsiga ka dib markii xaaladdiisa caafimaad ay maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanaysay.

Sheekha ayaa tacdiibin iyo jirdil daran kala kulmay saraakiisha ammaanka Mareykanka sanadadii uu u xirnaa, dhimashada sheikh Cumar Cabdi Raxmaan ayaa imaanaysa xilli dowladda Mareykanka ay maalin ka hor sheegtay in ay uwareejin doonto dhanka wadanka Qadar islamarkaana ehelkiisa ay uyeertay si ay ugu wehliyaan safarkii lagu geyn lahaa Qadar.

Taariikh Nololeedka Sheekh Cumar Cabdi Raxmaan.

Alle ha unaxariistee Sheekh Dr. Cumar Cabdi Raxmaan ayaa ku dhashay degmada Al-daqlahiyah ee dalka Masar sanaddii 1938, isagoo 11 sana jir ah ayuu Aragga belay isla sanadkaas ayuu dhammeeyay xifdinta Qur’aanka Kariimka.

Sanaddii 1960 ayuu shahaadada Dugsiga sare ee Thaanawiga ka qaatay Al-azhar sidoo kale sanaddii 1965 ayuu ka qallin jabiyay kuliyadda Usuusha diinta ee magaalada Al-qaahira wuxuuna shahaadadaasi ku helay martabadda Mumtaazka ee ugu sarraysa.

isla sanadkaas ayay wasaaradda Awqaafta iyo diinta Masar siisay ijaazada in uu imaam ka noqon karo masaajidda Mandiqadda Alfayuum.

Sheekha oo ahaa daaci aan xaqqa qarin ayaa dhuunta ugalay xukuumadihii faasidiinta ahaa ee Masar soo maray, sanaddii 1981 bishii November ayay xukuumadda Masar Xabsiga dhigtay waxaana lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dilkii Anwar Saadaad.

Balse bishii October 1981 ayay maxkamadda Melleteriga Masar xukun kale ku ridday sheekha oo xilligaasi ku eedaysnaa aas-aasidda Jamaacada Islaamiga Masar iyo ku lug lahaashiyaha dilkii Anwar Saadaad.

Sanaddii 1993 ayuu Sheekh Cumar u safray wadanka Mareykanka balse sanaddii 1997 ayay dowladda Mareykanka xabsi daa’in ku ridday isagoo ku eedaysan in uu ku lug lahaa qaraxyadii ka dhacay magaalada New York islamarkaana uu faafinayay wax ay ugu yeereen Xigjirnimada.

Sirdoonka Masar ayaa gacan weyn kulahaa in dowladda Mareykanka ay xabsi daa’in ku xukunto Sheekh Cumar Cabdi Raxmaan.
halkan hoose ka daawo sheikh usaama bin landen oo ka hadlay sheikh cumar cabdiraxmaan

https://www.youtube.com/watch?v=QovfpIQNY8Q

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...