Qofkii ugu horeeyey ee Faranbiga yeeriya waxa uu ahaa xildhibaan Xasan yare oo ka mid xildhibaanaa taageersan maamulka Axmed Madoobe ee Jubbland.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Cidna kama qarsoono in “fowdo iyo firimbi yeerin” ay dhacday, xilli Maaxweyna Farmaajo uu isku daayey in uu khudbadiisii ugu dambeysay ka hor jeediyo golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Arinta aysan dad badani ogeyn ayaa ah Cidii ka dambeysay fowdaa firimbiga.
Qofkii ugu horeeyey ee firinbiga yeeriya waxa uu ahaa xildhibaan Xasan yare oo ka mid xildhibaanaa taageersan maamulka Axmed Madoobe ee Jubbland.
Sidoo Kale Aqri..Maxaa Xal U Ah Jubbaland?..Jeesoow Ayaa Ka Jawaabay
Muhiim ma ahan in waqti badan ku bixino xiriir ma ka dhaxeeyaa fowadadii barlamaanka iyo faragelinta Kenya?, jawaabta waa iska cadahay-xildhibnaada fowdada kiciyey waxa ay taageersanyihiin Jubbaland oo jeebka ugu jirta xisbiga Jubille ee Kenya.

Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugnaa hoolka Xasan yare ayaa Xildhibaano kale u qeybiyey firimbi taasi oo Fadhigii Barlamaanka u badashay “Fadhi ku dirir fowda ah’.