Waa Kuma Zubeyr Almuhaajir Oo Dhawaan Ka Soo Goostay Alshabaab?

-

13-ka bishii Janaayo Ayaa waxaa Yuutuubka Lagu baahiyey Fariin Cod oo uu soo duubay Zubeyr Almuhaajir oo sida uu sheegay ka tirsanaan jiray kooxda muhaajiriinta Alshabaab.


Xaqiiqonews-Wararka Gudhaha

Fariin codka ah ayuu Zubeyr Almuhaajir ku sheegay in aad uga xun yahay qaraxii Ex-Koontraool Afgooye.

Zubeyr Almuhaajir oo asal ahaan ka soo jeeda Wadanka Ivory coast ayaa sheegay in isaga iyo Alshabaab ay is- khilaafeen wixii ka dambeeyey qaraxii Shaamow.

Goor muu Ka Soo Goostay Alshabaab?

Zubeyr oo la hadlay Idaacadda codka Mareykanka laanteeda Afka-Soomaaliga ayaa sheegay in uu Alshabaab ka baxay fikir ahaan sanadkii 2013.

Zubeyr oo ilaa oktoobar 2019 ku dhax noolaa goobaha Alshabaab ay maamusho, ayaa sheegay in sanadihii ugu dambeysay uu ku noolaa deegaanka Galhareeri oo ka tirsan Galgaduud.

Mustaqbalka Zubeyr

Zubeyr Almuhaajir ma ahan ninkii ugu horeeyey ee ka goosta Alshabaab, waxa uuna isaga afkiisa ku qirtay in uu filanaayo Weeraro isku day dil ah oo kaga yimaada Alshabaab.

Zubeyr Waxa uu hadda ku noolyahay Magaalada Muqdisho, waxa uuna VOA-da u sheegay in uu waqti badan ku bixin doono in uu dhalinyarada ka dhaadhiciyo afkaarta qaldan ee Alshabaab-sida uu hadalka u dhigay.

Zubeyr Ayaa yimid Soomaaliya sanadkii 2006 xilligaasi oo magaalada ay xakumi jiree dagaalyahanadii Maxakamadaha islaamiga.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...