Waa Kuwan Drones-kii Sacuudiga Weeraray..Xog Cusub

La Wadaag Asxaabtaada

Sarkaal u hadlay kooxda “ansaarulaah” ee ku caanka ah magaca Xuutiyiinta ayaa kashifay wax badan oo ku saabsan Weerarkii Shirkadaha Shidaalka ee Sacuudiga


Xaqiiqonews- Tiknoaalji/Wararka Dibadda

Yaxya Sariic oo u hadlay kooxda ayaa sheegay in diyaaradaha weerarka Fuliyey ay kala ahaayeen seddex nooc oo ay ugu horeyso Qaasif1, sidoo kale nooca labaad ayaa ahaa diyaaradaha drones-ka Iiraan sameysay ee loo yaqaan “Samaad 3” taasi oo awood u leh in ay gaarta fogaan dhan 1500-1700 Km.

Sidoo Kale Aqri: Drones-ka Iiraan Sameysay ee Xuutiyiint..Xog Muhiim ah

Qaasif1 iyo Samaad3 kuma cusba Sacuudiga, madaama garoomada diyaaradaha dalkaasi ay dhowr mar martigleiyeen duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Kooxda “Xuutiyiinta”, hase yeeshee weerarkan waa uu ka halis badnaa dhammaan weeraradii hore haddaba maxaa cusub?

Tallaabo Kale Oo Horay Ay U Qaadeen

Ansaarulaah (sida ay iyaga la baxeen) ayaa u muuqdo in ay tallaabo kale horay u qaadeen markani, sida uu sheegay Yaxya Sariic kooxda ayaa isticmaashay Diyaarado ku shaqeeya matoorada awoodda leh ee loo yaqaan “Jet engine”, waxaa intaasi dheer in in uu sheegay sidoo kale in ay istimaaleen Diyaarado yar oo loo qorsheeyey in ay mashquuliyaan nidaamyada difaaca Cirka.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku gaabsaday in ay dib ka faafaahin doonaan Diyaaraddan cusub iyo Waxtarkeeda.

Cajiska Sacuudiga!

Dad isticmaala baraha Bulshada ayaa is dhaafsay Kalimad jees jees ah iyaga oo soo qoray “Sacuudiga waa dalka ugu horeeya ee bisha Ramadaanka Arka, Maxey u arki waayeen 10 diyaaradooda oo hawada ku jirta”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada