Waa Kuwan Magacyada Iyo Sawirada Qaar Ka Mid Raggii Ku Dhintay Weerarkii SYL

-

Inkastoo DF-ka ayaa ku adkeysaneyo in Khasaaraha Weerarkii SYL uu dhaafsiisneyn 5 qof oo dhimasho , dhankooda Alshabaab ayaa baahiyey magacyada tobanaan qof oo ay ku sheegan in ay ka mid ahaayeen dadkii weerarka ku dhintay.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Sida Xaqiiqonews ay ka soo xigatay Website-ka Somalimemo, dadka dhintay waxaa ka mid ah 25 qof oo ka tirsanaa hay’adaha kala duwan ee Dowladda, iyadoo dhaawacuna uu yahay 39 qof.

Magacyada qaar ka mid ah mas’uliyiintii weerarka ku dhintay ee Alshabaab magacyadooda baahiyeen waxaa ka mid ah.

C/Qadir Cumar Cabdi oo ahaa Garsoore kamid ah maxkamadda racfaanka,
Maxmuud Ismaaciil Muuf oo ahaa taliyaha ciidamada madaxtooyada,Cali Daahir Salaad oo ahaa Sarkaal ka tirsan wazaarada Dasuutrka, Fu’aad Ugaas Yacquub oo ahaa Sarkaal ka tirsan Bankiga Dhexe, Nin magaciisa lagu soo koobay Ibraahim oo ahaa agaasimaha waaxda dhaqan celinta Wasaaradda Amniga.

Sidoo kale Aqri Maxaa Madaxtooyada Ka Dhacay Ka Dib Weerarkii SYL?

C/Qani Cumar Maxamuud oo ahaa Sarkaal ka tirsan Wasaarada Dekadaha ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii dhintay, waxaa kale oo dadka la shaaciyey dhimashadooda ka mid ahaa Liibaan Nuur Cali oo ahaa Sarkaal katirsan Police-ka loo yaqaano HaramCad, Ilyaas Carab oo ahaa Sarkaal ka tirsan hay’adda Nabadsugidda iyo Booc booc oo Ka mid ahaa ilaaliyada Madaxtooyada.

Dhanka kale liiska Alshabaab ay baahiyeen ee dadkii ku dhaawacmay weerarka ayaa u qornaa sida tan.

Maxmuud Cali Magan oo ah Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Federalka. Xasan Isaaq Yacquub (Gees Cade) oo ahaa xildhibaan hore iyo Waziir hore oo katirsanaa maamulka JUBBALAND.

C/Qaadir Cali Cumar oo ahaa Waaziir Arimaha Gudaha ee Hore, C/Xamiid C/Kariim oo ah Gudoomiye ku xigeenka degmada Boondheere.

Aadan Dhagool oo ah Sarkaal katirsan shaqaalaha baarlamaanka, Cali Maxamed Cali oo ah Sarkaal katirsan shaqaalaha baarlamaanka iyo Xusseen Xiirey oo ah Sarkaal katirsan shaqaalaha baarlamaanka.

Si Kastaba ha ahaatee ma jirto cid ka madax banaan Alshaabaab oo xaqiijisay geerida iyo dhaawacyadan dadkan.

Waa sawirka Maxmuud Ismaaciil Muuf  oo ahaa ilaalada Madaxtooyada

C/Qadir Cumar Cabdi oo ahaa Garsoore kamid ah maxkamadda racfaanka
Liibaan Nuur Cali oo ahaa Sarkaal katirsan Police-ka loo yaqaano HaramCad,

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...