WARARKAWaa Kuwan Magacyada Lix Qof Oo Al-Shabaab Ku Dileen...

Waa Kuwan Magacyada Lix Qof Oo Al-Shabaab Ku Dileen Saakow

-

Maxkamadda Al-shabaab ee Degamada Saakoow ayaa go’aan dil ah ku fulisay lix qof oo kooxdu ay ku eedeysay “basaasnimo”.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Xukunka dilka ayaa ka dhacay degmada Saakoow oo ka tirsan gobolka J/Dhexe, hase ahaatee dhammaan eedeysanayaasha ayaa laga qabtay deegaanka Kuunya Barroow ee ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Maxkamadda Al-shabaab oo meel fagaare ah kaga dhawaaqday xukunka ayaa sheegtay in ragga ay qirteen dambiga lagu soo eedeeyey.

Dadka la dilay, oo dhammaantood ka yaraa da’da 40 sano marka laga reebo hal qof oo 55 sano jir ahaa, ayaa waxa ay magacyadooda kala yihiin.

  • Cumar Cadbi Qaadir Hiraale, oo da’diisu lagu sheegay 36 sano jir ayey maxkamaduu ku eedeeysay in uu ka dambeeyey duqeyn ka dhacday Kuunya-barrow.
  • Cabdi xasan Axmed oo da’diisu lagu sheegay 29 sano jiro, ayaa isna lagu eedey duqeyn ka dhacday Kuunya Barrow
  • Fartuun Cumar Abkow oo da’deedu lagu sheegay 36 sano jira,waxa ay ku eedeysneyd ka qeyb qaadashada duqeymo ka dhacay Kuunya barrow.
  • Ibraahim Cumar Cali oo 55 sano jir ahaa ayaa lagu eedeeyey in uu gudbiyey lambarka iyo xogta Oday bille, oo Al-shabaab dhaxdeeda loogu yaqaan Sheek Ismaaciil, kaasi oo diyaaraha Mareykanka ku dileen Kuunya barrow.
  • Saadaam xuseen Maxamed oo da’diisu aheyd 21 sano jira, ayaa lagu eedeey in uu la shaqeynaayey sirdoonka Mareykanka
  • Aweys Xasan Cali oo da’diisu lagu sheegay 36 sano jir ayaa isna lagu eedeeyey in uu la shaqeynaayey sirdoonka dibadda Mareykanka ee CIA-da Mareykanka

Xukunkan dilka ah ayaa imaanaya saacado un ka dib markii Puntland ay xukun dil ku fulisay 21 qof oo ay ku eedeeyeen “Al-shabaabnimo”.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...