Waa Kuwan Noocyada Gantaaladii Lagu Duqeeyey Imaaraatka

-

Afhayeenka Milatari ee kooxda Ansaarulaah, Yaxye Sariic ayaa shaaciyey in nooca gantaalada ay la beegsadeen garoonka diyaaradaha Abuu dabi ay ahaayeen afar gantaal oo kuwa garbaha leh ah oo lagu magacaabo “Qudus 2” halka garoonka Dubeyna lala beegsaday gantaalka balaastiga ah ee “Thul faqaar”.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Subaxnimadii hore ee Isniinta, weeraro khasaaro geystay ayaa lala beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaala Imaaraatka.

Kooxda Xuutiyiinta ee la baxay Ansaarulaah kuwaasi oo xiriir la leh Iiraan ayaa sheegtay mas’uuliyadda weeraradii Imaaraatka lagu qaaday.

Yaxya Sariic ayaa yiri “Intii uu socday howlgalka ‘Duufaantii Yemen’ waxaa la adeegsaday afar ganaal oo ah nooca garbaha leh ee qudus2 kuwaasi oo lala beegsaday goobta saliidda lagu sifeeyo ee “musafah” iyo garoonka Abu Dabi”

Waxa uu intaasi ku daray “Gantaalka balaastiga ah ee ‘Thul qafaarna” waxaa lala beegsaday garoonka diyaaradaha ee Dubeey”.

Yaxye Sariic ayaa weerarkii ay ku qaadeen Imaaraatka ku micneeyey digniin cusub oo ay markale u dirayaan waxa uu ugu yeeray “dowladaha cadowga ah”.

Dhanka kale weeraro duqeymo ah oo Caasimadda Yemen Sanca ay ka fuliyeen isbaheysiga uu hogaaminaayo Sacuudiga ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen 14 qof.

Dadka ku dhintay duqeynta ayaa dhammaantood ku sugnaa hal dhismo, waxaana duqeynta cusub ee imaaneysa maalin ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ay weerar ku qaadeen Imaaraatka.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...