Waa Kuwee 13-ka Dal Ee Afrika Oo Doorasho Ay Ka Dhaceyso 2021

La Wadaag Asxaabtaada

Sanadkan 2021 waxaa la filayaa in ay u noqon doono Afrika sanad “mashquul siyaasadeed” madaama ay doorasho ka dhaceyso in ka badan 13 waddan oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ay ku jirto.


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

Warka: Waxaa lagu wadaa in 2021 ay ka dhacaan doorashooyin dalalka ay ka mid yihiin : Koonfur Afrika, Soomaaliya Jamhuuiyadda Afrikada Dhexe, Kaboon, Madakaskar,Ivory cost, Jaad, Jabuuti, Nijer, Benin Itoobiya, zambiya iyo Marooko.

Dhammaadkiisa: Marka aan ka hadleyno doorashooyinka Afrika waa in aan laba arin xisaabta ku darsanaa: muranka doorashooyinka iyo daminta internerka iyo baraha xiriirka Bulshada,qeybta hoose waxa aan idin la wadaagi doonaa qaar ka mid ah doorashooyinka ka dhacaya Bariga afrika.

Ugandha (Jan 14)

Madaxweynaha 76-jirka ah ee xilka haayey tan iyo 1986-kii ayaa ku dhawaaqay in uu doorashooyinka ku guuleystay xilli ninkii la tartamaayey ee mucaaradka Bobi Wine uu ku baaqay in doorashado la qaadaco isaga oo ku tilmaamay midii abid ugu musuqu badneyd ee Yugandha ka dhacda.

Soomaaliya (feb 8)

Muran ayaa ka taagan in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii saxda aheyd ee Feb 8, iyadoo wili aan la dooran barlamaanada aqalka hoose iyo aqalka sare kuwaasi oo lagu waday in ay la soo doorto ka hor doorashada madaxtinimo ee loo madalsanaa Feb8.

Jabuuti (April)

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo xakumay jabuuti tan iyo 1999-kii, waxaana uu rabaa in uu xilka mar kale hogaanka u qabto markiisii shanaad doorashooyinka la filanaayo April, waxaana jira baaqyo badan oo shacabka Jabuuti ay ku dalbanayaan in uu xafiiska iskaga tago.

Itoobiya (June 5)

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa dagaal la gashay hogaamiyaasha Tigrey ka dib murankii ka dhashay dib u dhac ku yimid doorashooyinka, doorashooyinka la filaayo ayaana laga sugayaa in ay ka jawaabto su’aal ah: Itoobiya ma waxa ay sii qaadi doontaa dhabbaha dagaalka sokeeye mise dalka dib ayuu soo hagaagi doonaa.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada