DF-ka Soomaaliya ayaa todobaadkan gudahiisa tababar u soo xirtay ciidanka si gaar ah u tababaran kuwaasi oo noqonaya dufcadii koowaad ee Ciidanka Daraawiishta Soomaaliya.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Ciidankani cusub oo ka mid noqonaya booliska Soomaaliya ayaa sida lagu sheegay xafladdii xirtaanka tababarka, waxaa ciidankani lagu soo tababaray qaabka loola dhaqmo “dambiilayaasha”.
Ciidankani cusub ayaa ka howlagli doono guud ahaan Soomaaliya, waxaana la sheegay in DF-ka ciidankani ay u isticmaali doonto in ay ka howlgeliso goobaha dambiyada badan ka dhacaan.
DF-ka ayaa dadaal xooggan uga jirta sidii ay soo qaban laheyd hogaamiya Jubbland Axmed Madoobe, waxaana wararka ay sheegayaan in qaar ka mid ah ciidankani cusub durabadiiba loo daabulay gobolka Gedo.