Waa kuwee Kooxda 4+1 Ee Loo Heysto Dilka Ikraan?

-

Waxaa iska cad in ay jiraan waxyaabo uu Farmaajo doonaayo in uu ka qariyo umadda, waana sababta sida la aaminsan yahay uu iskugu hor gudbaayo baaritaan madax banaan oo lagu sameeyo dilka Ikraan.


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

WARKA: Khilaafka Rooble iyo Farmaajo ee ka bilowday arinta Ikraan Tahliil ayaa sii xogeysanaya, Rooble ayaana wacad ku maray in uu meesha ka saari doono caqabad walbo oo diideysa cadaalad u helidda Ikraan.

DHAMMAADKIISA: Arinta lagu wareersan yahay – marka meel la iska dhigo doodaha kale oo dhan- waxay tahay Farmaajo xitaa hadii uu ka soo horjeeda qaabka cadaalad u raadinta Ikraan marna ma uusan xusin qaabka uu doonaayo in uu isagu u wajaho kiiskan Ikraan, waxaa iiga daran marna kama tacsiyeen wixii dhacay!

Sidoo Kale Aqri: Maxaadan Ogeyn Oo Ku Soo Kordhay Kiiska Ikraan Tahliil?

Qaar ka mid ah shacabka waxaa laga yaabaa in ay la dhacsanyihiin istaraatiijiyadda Faramaajo iyo kooxdiisa ay ku doonaayaan in ay ku meermeeriyeen baaritaanka, tusaale dad badan ayaa laga yaabaa in ay sugayaan natiijo ka soo baxda kulan uu Farmaajo shaaciyey 18 Sebtembar.

Qoyska Ikraan waxa ay gudbiyeen dacwad ka dhan ah eedeysanayaal afar ah, taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, taliyiha NISA ee gobolka Benaadir Yaasiin Fareey, Kaaliyihii hore ee amniga NISA Kulane Jiis iyo nin la sheegay in uu ahaa darawalkii waday baabuurka lagu qaaday Ikraan, kuwaasi oo dhammaantood dacwad laga gudbiyey, sida lagu baahiyey warqad la shaaciyey 7-da bishan aynu ku jirno.

Hooyo Qaali Guhaad oo la hadashay warbaahinta ayaa uga digtay Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday in uu is hortaago cadaaladda u raadinta gabadheeda- sida ay hadalka u dhigtay

Si kastaba tallaabooyinka ugu dambeeyey ee Farmaajo qaaday difaac uma ahan oo kaliya eedeysanayaasha afarta ah, sidoo kale waxaa jira tuhumo xisaabta ka dhigaya 4+1.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...