Dhibaatada maskaxeed ama waxa loo yaqaan “shock-ga Nafta” waxay dhacdaa marka qofku ay soo gaarto dhacdo jir,ama maskaxeed oo sababta isbeddel xagga nafsadda ah .
Dhibaatoyinka sababa Shock-gan waxaa ka mid ah, in uu qofka waayo qof uu jeceyahay, qofka gurigiisa o gubta, qofka oo lumiya lacag badan, qofka o khiyaano ay ka soo gaartaa qof uusan ka fileynin, qofka o xabsi galaa … jirdil iwm.
Inta badan dhaawacyada maskaxeed waxay keenaan dhaawac ku yimaado maskaxda, dareenka iyo dabeecada qofka oo is badasha inta ka dhiman noloshiisa, shakigan wuxuu saameyn ku yeeshaa xiriirka uu la leeyahay dadka kale, ka sii daran wuxuu saameyn ku yeeshaa caafimaadkiisa, waxa kale oo uu sabab noqdaa sonkorowga, cudurada wadnaha iyo cudurrada kale.
Isku duub waa laga maarmaan in qofka kiiskan la kuma uu u baahanyahay, daaweyn, waxaana halkan idinku soo gudbineynaa ilaa dhowr hab.
Xiriirika Ilaah
Xiriirka u dhexeeya qofka iyo Sayidkiisa ayaa kaalin weyn ka qaata dhibaatada nafsaaniga ah, sidaa darteed Qofka Caqiiqadiisa waxaa ay door ku yeelan doontaa Saameynta Dhibaatada ama dhanka kale Baraaraha
Sabarka
Marka ugu horeysa ee qofka dhibaato soo gaarto waxaa lagu daaweeyaa Sabarka, Waxaa uuna sabarka yareeyaa Cadaadiska Dhiiga, sidaa darteed Xabiibkeena waxaa uu leeyahay ““إنما الصبر عند الصدمة الأولى”.
Daweyn Nafsiyadeed
Inta badan dhibaatyinka maskaxeed 80%, waxaa lagu daaweeyaa Nafsad ahaan laakiin 20% ayaa laga yaabaa in ay u baahdaan daaweyn Kimikeed.