Xilli dunidan qofka ugu horeeya ee faa’idaya uu yahay “kan muruqa weyn”, waxa aan is weydiinayaa, qaanadee dalkani, Jasiirada u ekaha Soomaaliya kaga jiraa armaajada xoriyada? xaq ma u leenahay in sanad walbo bishan oo kale aan u dabaal degno xoriyadda?
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Dhaqaalo yahanada waxa ay xoryida ku qeexaan , marka qofka uu gaaro heer uusan ka walwalin dhaqaale, waa waxa ay ugu yeeraan “xoriyada maaliyadeed”.
Qolyaha cilmiga bulshadana waxa ay xoriyadda ku micneeyaan, xornimada uu qofka u heysto in uu ku cabiro fikirkiisa siyaasadeed isaga oo aan wax caburin ah kala kulmin dowladda, waa marka ay yiraahdaan “xoriyatul qowl”
Xilli dunidan qofka ugu horeeya ee faa’idaya uu yahay “kan muruqa weyn”, waxa aan is weydiinayaa, qaanadee dalkani, Jasiirada u ekaha Soomaaliya kaga jiraa armaajada xoriyada? xaq ma u leenahay in sanad walbo bishan oo kale aan u dabaal degno xoriyadda?
Madaxweynihii hore, Siyaad birihii kacaanka, waxa uu xoriyadda Soomaaliya iyo tan guud ahaan Afrika ku sifeeyey mid aan dhameystirneen, isaga oo yiri “Afrika xornimo siyaasi ah waxa un waa ka heysataa, laakiin xornimada runta ah ma ahan siyaasi oo kaliya”.
Xornimada Dhabta ah
“Xornimada waa dhaqaale, sancada, macaamilka iyo isku taga” ayuu yiri Madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa ee Soomaaliya soo maamula, isaga oo aaminsanaa in Soomaaliya aysan wali gaarin “xornimada runta ah”.
Tiro koobyadii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in wadamada ugu badan ee Afrika oo Soomaaliya ka mid tahay ay ku tiirsanyihiin “deeqaha”, arintaasi oo qaaradda ka dhigeysa aan mid aan heysan xornimo buuxda.