Waa tan Faafaahinta Diyaaradda “Humaaga” ee Isreal Soo bandhigtay#Warbixin

-

Ciidanka Israel ayaa shaaciyay Talaadadii la soo dhaafay,  in Israel ay tahay dowladii ugu horreeysay ee adduunka ah oo isticmaasha diyaaradaha F-35, oo loo yaqaano “diyaaradaha shabaxa”, taasoo oo ay ku sheegeen in ay jawaab u tahay duqeymaha Tehran ay ka fulisay gudaha Syria ee lagu beegsaday ciidanka yahuudda.

Warkan waxaa sheegay taliyaha ciidamada Cirka ee Israel  Amikam Norkin oo ka hadlay shir ay iskugu yimaadeen Hogaamiyaasha ciidamada cirka ee 20-dal oo ay  isreal ka mid tahay.

Norkin ayaa sheegay in Iran ay soo keensatay  gantaalaha ridada dheer gudaha Suuriya, oo uu ku jiro hubka loo yaqaan  “Urugan Rocket” oo ay burburiyeen ciidamada Isreal tobankii bishan May.

Diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaan F-35 islamarkaana caan ku ah naaneysta ah Diyaaradaha“Huumaaga” waxa sameysay shirkad Mareykan ah oo lagu magacaabo “Lockheed Martin industry” waxaana shirkaddan ay ka iibisay oo kaliya seddex dowladood oo kala ah Mareykanka, Israel Iyo Ingiriiska.

Waxaa la sheegaa in diyaaradani ay tahay tan ugu qaalisan, taariikhda aduunka waxaana qiimaheedu uu dhan yahay wax ka badan 110 Milyan oo dollar.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...