Haweeneyda u qaabilsan dhanka xiddgiska guddiga arimaha diinta ee Tukiga ayaa iclaamisay in bisha ramadaan marka ugu horeysa dunida oo dhan laga arki doono mandiqadda bariga afrika oo ay ku jirto Soomaaliya.
Xaqiiqonews-xiddigiska
Humira Noor Ishalk ayaa sheegtay in galabnimada khamiista ay bilan doonta bisha ramadaan gaar ahaan saacaddu marka ay tahay 5:23 pm, maalinta xigta ee jimcada ayaana noqon doonto maalinka koowaad ee ramadaan.
Sidoo Kale Aqri..Dhaqamada cajiibta ee Dadka Aduunka Ay Sameeyaan Bisha Ramadaan
Waxa ay intaasi ku dartay in ay yaryihiin dadaalada lagu goobaayo bisha ramadaan sanadkani, waxa ay sababtu ku micneysay xanuunka Karoona ee dunida oo dhan saameeyey.
Ishalk ayaa carabka ku dhufatay in bisha shawaal ay bilan doonto 23 bisha may, si maalinka xigta 24 may ay u noqoto maalinka koowaad ee ciidul fidriga, waxaana marka ugu horeysa laga arki doonaa Astureeliya iyo badda isbeesfikada.