Waa Tan Marka Kaliya Axmed Madoobe Uu Ku Fikiray In Uu “is daldalo”

La Wadaag Asxaabtaada

Hogaamiyaha maamulka Jubbland Axmed Madoobe ayaa isku dayaaya in uu badbaado u helo “maamulkiisa” oo hadda ay ku socoto “khasaare siyaasadeed”.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Axmed Madoobe oo dhawaan safar ku tagay “Dhoobley” ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee dhoobley in ay garab istaagaan waxa uu ugu yeeray “maamulka deegaanka” ee lagu soo duulay.

Sida xogta ay sheegeyso, Kulan gaar ah ayuu Axmed Madoobe odayaasha ugu qabtay goob lagu magacaabo Beerta nabadda oo ka tirsan Dhoobley.

Axmed Madoobe ayaa odayaasha u sheegay in ay tahay “mid dhimasho aan waxba dhaamin” in ay fiirsadaan maamulkooda oo xoog loo sheeganaayo isaga oo sheegay in uu shakhsi ahaan “dhimashada” doorbidaayo intii uu xilka ku wareejin lahaa qof soo duulay-sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo Kale Aqri..Waa Kee Guutada Gaarka Ah ee Qaabilsan Soo Qabashada Axmed Madoobe?

Hogaamiyaha Mayalka adaga ee Jubbland ayaa geed gaaban iyo mid dheer u faalaya sidii uu mar kale u noqon lahaa madaxweynaha sharciga Jubblnad,taasi oo ay ka biyo diidanyihiin qaar ka mid ah shacabka, DF-ka iyo beesha caalamka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada