Waa Tan Sababta Aadan Uga Walwaleynin Cuntada Sumeysan ee Soomaaliya!!

-

Sida ay baahisay idaacadda VOA, badar badan oo yaalla Suuqyada Soomaaliya waxa uu ku sumeysanyahay sunta “Mycotoxin” , qoraalkani waxa aan uga hadli doonaa hadii warkaasi uu yahay mid ku filan in aan ka walwalno iyo inkale.


Xaqiiqonews-Caafimaad.

Mycotoxin waa sun uu sameeyo noole-ilma qabate ah oo lagu magacaabo “Fungi” , noolahaasi ayaa ku kora cuntooyinka ay ka midka yihiin galleyda,digirta iyo masagada hadii aanan si fiican loo keydin.

Sida ay baahisay VOA-da gaar ahaan barnaamijka “galka baaritsa” , cuntooyinka Soomaalida keydsato gaar aahan qaabka loo yaqaan “bakaarta” waxa uu qeyb weyn ka qaataa fiditaanka sunta “Mycotoxin”.

Sidoo Kale Aqri. Waa Tan Sababta Aysan U Wanaagsaneyn In Aad Hurudo Tintaada Oo Qoyan.

Waa run, waliba sunta noocaasi ah waxa ay jirkeena ku sababi kartaa hoos u dhac ku yimaada difaaca jirka, iyo mararka qaar “Kansar” laakin waxaa jirta arin muhiim ah in aan ogaano ka hor inta aan ka walwalin dhibaatooyinka ay noo geysato suntan.

Waa Ay Na Caawisaa!

Mycotoxin, waxa ay wax yeeleyn kartaa caafimaadkaada, sida oo kaliya uma dhaqanto suntan, sido kale Mycotoxin waxa aan ku isticmaalna oo ay ku jirtaa daawooyinka sida kaniiniga qalajiyaha ee loo yaqaan “Pencilin”, sidaa si la mid ah suntani waxa ay ka qeyb ka tahay daawooyin badan kuwaasi oo aan u isticmaalno in aan caafimaadkeena ku hagaajino.

Ugu dambeyn Mycotoxin waa sun laga helo cuntooyinka sida galleyda iyo digirta aan ku isticmaalno Soomaaliya, intaasi oo kaliya ma ahane Suntani waxaa kale oo laga helaa geedka Coffee oo aad looga isticmaalo dunida oo dhan oo uu ku jiro Mareykanka.

Suntani ma ahan walwal Soomaaliya u gaar ah , waa walwal caalimi ah. dhibaatooyinkeeduna waa kuwa “Xaduudda ka baxsan”, mana jirto sabab gaar ah oo Soomaalida uga walwalaan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...