Wargeyska Ameerikaanka Wall Street Journal ayaa qoray warbixin dheer oo ku saabsan sida ciidanka Mareykanka uga cabsanayaan darooniska yar yar ee kaamiirooyina kuwaasi lagu heli karo qiimo raqiis ah.
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA
Arthur Holland Michael oo ah khabiir xagga diyaaraha darooniska ah ayaa yiri “qaab un xurumaha muhiimka ah waa looga badbaadin karaa weerarada dhulka laakiin waa ay adagtahay in laga badbaadiyo weerarada cirka ah”.
Michael waxa uu leeyahay “Xitaa hadii xarumaha lagu xiro difaacyada cirka waxaa suuragal ah in ay ka hortagaan weerarada cirka ee diyaaradaha xajmiga weyn ama gantaalada balaastiga balse waa ay adagtahay sid looga hortagi karo diyaaradaha aadka u yar yar”.
General Kenneth Mackenzie oo ah madaxada xarunta hogaanka dhexe ee Mareykanka ayaa bishii Abriil guddiga baarlamaanka ee ciidanka qalabka sida ka hor sheegay,in diyaaradaha darooniska yar yar ay halis yihiin isaga oo sheegay in kooxaha hubeysan ay si fudud ku heli karaan.
Darooniska yar yar ayaa badanaa lagu iibiyaa suuqyada internetka, waxaana suuragal ah in qofka uu gurigiisa ku sameeya daroonta isaga oo qalabka ka iisbanaya internetka.
Kooxda dowladda islaamka ( Daacish) iyo xuutiyiinta ayaa ku guuleystay in ay diyaaraha darooniska hub ku xiraan, waxa ayna ku fuliyeen dhowr weerar.