Waa Tan Sababta Cuntooyinka Kulal Cimriga Ay U Dheeraayaan

-

Hadii aad ka mid tahay dadka ku waalan cuntooyinka kulul, khubarada caafimaadka waxa ay kugu waaninayaan in aad caadadan sii waddo.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Cilmi-baaris Taliyaaniga laga sameeeyey dhawaan ayaa lagu sheegay in cuntooyinka kulal ay ka qeyb dqaataan cimri dheeriga qofka qiyaas dhan 25%.

Daraasaddan oo uu fuliyey machad lagu magacaabo Normide, oo ku yaalla magaalada paisley ee dalka Taliyaaniga, ayaa lagu qoray in dadka afar mar ka badan cuna todabaadkii filfisha kulul ama basbaaska ay kaga halis yaryihiin dhimashada dad daga ah, marka loo barbardhigo kuwa kale ee iyaga aan cunin cuntadan kulal.

Daraasadda oo ay ka qeyb galeen 22 kun qof,ayaa waxa si dhaw loola socday oo indhaha lagu haayey cuntooyinka ay cunayeen dadkan, muddo 8 sano ah.

Dhowr daraasado caafimaad oo horay loo shaaciyey ayaa daboolka ka qaaday in maadada “Capsaicin” ee mas’uulka ka ah dhadhanka kulul ee cuntooyinka sida filfisha iyo basbaaska ay tahay maado door weyn ka qaadato caafimaadka jirka, waxa ayna si weyn ula dagaalantaa unugyada kansarka.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...