Waa Tan Sababta Kenya Ugu Nugushahay Weerarada Alshabaab.

La Wadaag Asxaabtaada

Laba maalin oo is xigxigay Kenya ayaa la kulantay weeraro isku nooc ah oo Alshabaab ay ku qaadeen Milatariga Kenya.


Xaqiiqonews-Wararka

Weerarka hore ayaa lagu qaaday saldhig Mareykanka uu ku lahaa gudaha Kenya, weerarkaasi oo lama filaan ku noqday Kenya iyo Mareykanka ayey Alshabaab ka sheegteen guulo badan.

Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa lagu daawaday uuro badan oo cirka isku shareetay, waxaana la arkay Asakrta Alshabaab oo ku dabaaldagaya gudaha xerada xilli la arkaayey diyaarad gubaneysa.

Alshabaab oo ku dagaalamaya gudaha xerada Simba eeLamu Kenya
Diyaarad gubaneysa gudaha xerada Simba ee Lamu Kenya

Dhanka kale Ururka Alshabaab ayaa sheegay goor sii horeysay oo ah subaxnimaadii talaadada in ay weerar cusub ku qaadeen saldhigga Kulbiyoow ee Ciidanka Kenya ku leeyihiin Somaaliya.

Ciidanka Kenya ayaa la tilmaamaa in ay ka mid yihiin ciidmada ugu nugul ee Alshabaab weeraraan, waxaana weerarkani uu ku soo aadayaa 3 sano ka dib weerarkii xooganaa ee kooxdu ku qaaday isla xeradan 2017

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada