Waa Tan Sababta Mars Loogu Bixiyey “Gaduudow”

-

Meeraha Mars had iyo jeer waxaa kale oo loogu yeeraa “meeraha gaduudan”, laakiin dad badan isma weydiiyaan sababta magacan loo siiyey Mars


XAQIIQO NEWS- XIDDIGISKA

Maalmo ka hor hay’adda xiddigiska Mareykanka u qaabilsan ee lagu magacaabo “NASA”, ayaa Mars dul geysay markab-xiddigeedka casriga ah ee “”Perseverance”, kaasi oo sida magaciisa ka muuqata soo gudbinaya waxyaabaha ay adagtahay in laga ogaado Mars.

Ilaa hadda saynisyahanada waxa ay ogyihiin oo kaliya in midabka gaduudan ee Mars sababteedu ay leedahay maadada birta oksijiinta leh (Iron oxide) ee kowkabkani ka sameysan yahay, laakiin lama oga sida arintani ku dhacday.

Sidoo kale Aqri: NASA Oo Damacsan In Ay Ban’aadam Geyso Mars Safar Seddex Bil Ah

Qiyaasyada cilmiyeysan ayaa sheegay in Mars da’diisu tahay 4.5 Bilyan oo sano, waxaana la leeyahay xilligaasi ayey sameysmatay qaabka ay u ektahay oogada Mars.

Saynisyahanada waxa ay aaminsanyihiin in meeraha aynu ku noolnahay ee dhulka uu birtiisu ku helay soo jiidasho, madaama uu leeyahay awoodda “cuf-isjiidka”, laakiin Mars sheekadiisu gabi ahaanba wey ka duwan tahay.

Waxaa kale oo la ogyahay in maadada birta midibkeedu aysan aheyn “gaduud”, laakiin waxaa lagu tafsiirinayaa in midibka gaduudan ay keentay falkalka Birta ay la sameysay oksijiinta.

Xilli saynisyahanada ay aad ugu xamasadeysanyihiin in wax badan laga ogaado noolasha Mars, su’aasha ah “Mars maxaa gaduudiyey” jawaabteeda waa mid lala sugaayo cilmi baarisyada mustaqbalka ee aan ka dhursugeyno inteena warka jecel.

Maalintii isniinta ee la soo dhaafay inijineerada “NASA”, ayaa baahiyey muuqaalkii ugu horeeyey oo cod leh oo laga soo duubay Mars, iyaga oo codkaasi yar ku sheegay in uu ahaa “guuxa dabeysha Mars”.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...