Xuska 18 May Wax Ka Yar 10 Ilbiriqsi!

Gudoomiyaha xisbiga waddani Cabdiraxmaan cirro ayaa sheegay in sanadkani aysan u dabaal dagi karin 18 may, xanuunka karoona fartiis.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

“Ma awoodno in aynu xusno maalmihii qaranka, ee ay ka mid ahaayeen 18 may, iyo 26 juun” ayuu yiri Cirro oo hadalkiisa ku saabsan 18-kan May ku soo koobay wax ka yar 10 ilbiriqsi

“sidaa darteed waxa aan hawada idiin soo marinayaa hambalyada 18 may” ayuu yiri isagoo maalin ka hor jeedinaayey khudbad uu ka hadlaayey dagaal qabiileed ka dhacay Ceel afweyn iyo cudurka covid-19.

Qaabka cajisan ee madaxda Somaliland ay uga hadlayaan 18 May, ayey dadka wax falanqeeyu sheegeen in ay tahay xaaladda murugsan ee maamulkaasi uu maraayo gaar ahaan xiriirada caalamka oo hoos u dhacay iyo dagaalo salka ku haayo “aanooyin qabiil” oo beryahan soo batay.

Si kastaba ha ahaatee Waxaan la qarin karin kumanaanka dadka ah ee bil walbo sanadkani oo kale isku soo baxa magaalooyinka Hargeys iyo Burco, si ay ugu dabaal degaan maalinta “18 may” inkastoo sanadkani uu hoos u dhac weyn muuqdo, sababo badan oo is biirsaday dartood.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA