Waa Tan Sheekada Ninka Qasriga Erdogon Sawirka Ka Qaaday Ee La Xiray

-

Maxkmad ku taalla dalka Turkiga ayaa jimcadii shalay xabsiga in lagu sii haayo 20 maamlmood oo dheeri ah ku kordhisay lamaane Israa’iili ah oo maalmo ka hor lagu xiray Istanbuul.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Wargeyska cibraaniga ah ee Yedioth Ahronoth ayaa qoray in lamaanaha Israa’iiliga ah ee lagu kala magacaabo Natalie iyo Mordi Oknin kuwaasi oo lagu xiray Istanbuul lagu kordhiyey xabsi 20 maalmood ah.

Wargeyska ayaa cadeeyey in lamaanaha la xiray ka dib markii sawir ay ka qaadeen qasriga Rajib Dayib Erdogan xilli ay joogeen Istanbuul.

Jariidada ayaa xustay in Turkida ay soo gaarsiiyeen Israa’iil in la soo masaafurin doono lamaanaha ka dib marka booliska uu sidaas dalbaday.

Wararka ayaa sheegay in goobta lamaanaha ay sawirka ka qaadeen lagu magacaabo dolma Pasha oo ah goob madaxtooyo ahaan loo isticmaali jiray wixii ka horeeyey 1923-kii, hase ahaatee maanta waxa loo adeegsadaa sida matxaf taariikhi ah, waxaana jira talooyin horay loo soo jeediyey oo mamnuucay in goobtan wax sawir ah laga qaado.

Nin la dhashay haweeneyda Israa’iiliga ah ee xiran oo ka hadlay sida ay wax u dhaceen ayaa yiri “subaxdii talaalada ayey tageen dhinaca Aasiya ee magaalada Istanbuul, waxa ay koreen guryaha caadka gala iyaga oo kor ka arkay Istanbuul oo dhan, si kadis ah ayey u arkeen mid ka mid ah guryaha uu ku nasto Erdogan, iyaga oo dhacdada weyneynaya ayeyna sawir ka qaadeen ka dibna waxa ay noogu soo direen sawirada guruub qaas oo qoyska leeyahay, isla maalintaasna warkooda waan weynay”.

Bishii la soo dhaafay warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in la xiray koox ka kooban 15 qof kuwaasi oo lagu eedeeyey in qaab basaasnimo ah ula shaqeynayeen sirdoonka Mosaad, sida ay warbaahintu qortay jawaasiista la xiray ayaa ahaa kuwa isgua jira Turki iyo carab kuwaasi lacag badan ku soo qaatay jaasuusnimada.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...