Afghanistaan..Ogow Sixirka Mareykanka Ee Baabuurta la rogay !

-

Mareykanka ayaa si dhameystiran uga baxay Afghanistaan, laakiin waxa ay dalkaasi kaga tageen, diyaarado, rasaas, hub, qalab iyo xitaa baabuur rogmaday oo lagu arkay meelihii Mareykanka uu iskaga tagay.


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS.

WARKA: Habeenkii isniinta 30-ka Agoosto, waxa uu Mareykanka iskaga tagay Afghanistaan, isaga oo iclaamiyey dhammaadka dagaalkii ugu dheeraa abid taariikhda Mareykanka.

DHAMMAADKIISA: Mareykanka ayaa Afghanistaan ku qaaday dagaal ay ku baxday lacag dhan Tiriliyan , nafafta kumanaan askar ah iyo waqti dhan 20 sano, si natiijadu ay u noqoto Daalibaan ka qaad Daalibaan u dhiib, macnaha jug jug meeshaada joog.

Sidoo Kale Aqri: Mareykanka Oo Eeyihiisa Kala Baxay Afghanistaan Xilli Saaxibadiisa Ay Fursad La’yihiin!

Mareykanka waxa uu iskaga tagay Afghanistaan isaga oo u muuqda sixirow ka dib markii la arkay baabuur la rogay oo yaalo meel walbo uu Mareykanka ka baxay min xerada cirka ee Bagram ilaa garoonkaXamiid Garzaay ee Kaabuul meel walbo Mareykanka waxa uu kaga tagay baabuur rogmday.

Maxay Tahay Sirtu?

Falanqeeyaasha arimaha milatriga ayaa aaminsan in Mareykanka uu baabuurta la rogay u isticmaali jiray “difaac ku meel gaar ah” iyaga oo ka cabsi qaba weerar kadis ah oo uga yimaada ururka dowladda islaamiga ah faraciisa Khuraasaan.

Baabuur la rogay oo yaalla garoonka diyaaradaha caalamiga ah Xamid Karazaay ee Kaabuul

Mareykanka ayaa sidoo kale baabuurtan xabadda karin ee la rogay u isticmaali jiray in uu gabaad kaga dhigto rasaas walboo kaga imaan karta Afghaaniyiinta oo ay ugu horeyaan Daalibaanka.

Mareykanka ayaa si dhameystiran Afghanistaan ka baxay isaga oo aan xitaa arintaasi la wadaagin Daalibaan, waana isla qaabkii Mareykanku kaga baxay xerada cirka ee Bagram, waxaana mar walbo lagu war helayaayey iyaga oo tagay ogeysii la;aan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...