Waa Tan Sirta Somaliland Ee Aysan Jirin Qof Ku Dhiiran Karo Sheekisteeda

-

Soomaaliya waxa ay ku riyoon jirtay in ay soo ceshato 3-da maqan, Ingiriisku waxa ay ku riyoon jireen in 2-da maqan uu kala gooyo, laakiin su’aasha waxa ay tahay waxa aan indhaheena ku aragno maanta maxay uga dhigan tahay taariikhda loolanka?


XAQIIQO NEWS- FIKRADAHA

Waqooyiga Soomaaliya meel u dhaw gacanka cadan waxaa dhaca dowlad iskeed isku magacaawday oo la baxday Somaliland, Somaliland-ta aan ka hadlayaa waa gobolka saxaraha u egaha waqooyiga kaasi oo gees ka saaran badda cas.

Marka laga soo tago labada gobolka ee lagu muransanayahy ee Sool iyo Sanaag, Somaliland waxa ay ka koobantahay seddex gobol oo kala ah: Waqooyi Galbeed, Toghdeer iyo Awdal.

Bedka gobolada seddexda ah ee Somaliland-ta aan lagu muransaneen waxa ay ku fadhiyaan bad la eg gobolka Gedo, ama bed dhan qiyaastii 90,000 km².

Somaliland waxa ay dhacdaa marin muhiim u ah isku socodka maraakiibta iskaga kala goosha caalamka.

Somaliland ayaa sheegtay in ay go’aday Soomaaliya inteeda kale 18 may 1991-kii, bilo yar ka dib markii dowladii kacaanka laga saaray caasimadda Muqdisho.

Waqti Sax Ah iyo Go’aanka Qaldan

Somaliland gooni -iska yeelkeeda waxaa uu yimid ka dib burburkii dowladii kacaanka, dabcan wxa ay aheyd waqtigii ugu haboonaa, maadaama dalka uusan laheyn “go’aan dhexe”, hase ahaatee waxaan ka shakisanahay in go’aanka gooni isku taaga uu ahaa mid sax ah, ha igu eedeynin dhinac, kama wado Somaliland in ay gooni isku taag sameyso ayaa qalad aheyd, waxaan kala jeedaa qaabka go’aan qaadashada ayaa qalad aheyd.

Timirtii Horaba Dab loo Waa

Somaliland waxa ay ku doodaa in midowgii waqooyi iyo koonfur uu ahaa midow dhinac ka raran, kaasi oo lug gooyo ku noqday gobolada waqooyi, waxaan dhihi lahaa waa sax, maxaa yeelay nidaamka qabaa’ilka ee dalkani uu la bilowday marnaba ma keenin nidaam wada qancin ah.

Sidoo Kale Aqri: -Midnimo Mise Kala Tag?..Askari Somaliland Ah Ayaa Ka Jawaabay

Laakiin waxaan leeyahay Somaliland: soo ma muuqato cadaalad darradii Somaliland ka carartay shalay in maanta ay la kulmayaan gobolada Sool iyo Sanaag iyo xitaa gobolka Awdal? Soo ma muuqato in sheekadu u egtahay kaa bartaa kaa badiya?

Soo ma muuqato in magaca daalimka uu is badalay , laakiin dulmanayaasha ay yihiin isla iyagii oo ah shacabka waqooyiga? hadii qaar ka mid ah dulmiga ka baxeen miyey la micno tahay in dulmigii dhamaaday?

Sirta Qarsoon

Ka imow go’aanka qaabka gooni isku taaga ma saxbaa mise qalad, aan is weydiino markani maxaa ka sacdo daaha ka gadaal?

Hal arin oo aan kala soo baxay afka siyaasiyiinta Somaliland waxa waaye -xiriirka ka dhaxeeya gooni isku taaga Somaliland iyo boqortooyada Biritan.

Dadka aan ogeyn, rabitaanka Ingiriiska ee gooni u goosadka Somaliland kama bilaaban 1991-kii, isku daygii ugu horeeyey waxa uu dhacay Diseembar 1961-kii markaasi oo saraakiil waqooyiga ka soo jeeda oo Ingiriiska la shaqeyneysay isku dayeen afgambi fashilmay.

Su’aal: Gobol sida Somaliland oo kale ah, muxuu ku falayaa gooni isku taag? maxay tahay danta shacabkaas u gaar ah (diin, dad, iyo dhaqan) taasi oo aysan la wadaagin shacabka Soomaaliyeed kuna qasbeysa in ay gooni u dhawrtaan?

Su’aal Kale: xaduudaha iyo madaxbanaanida Somaliland marka ay ka hadlayaan maxa ay u doorteen soohdintii Ingiriiska Sameeyey?

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...