Waa Tan Xogta Baabuur Turkiga Lagu Sameeyey 100%

La Wadaag Asxaabtaada

Xaflad uu goob joog ka ahaa Erdogan, Dowladda Ankara ayaa shaaca ka qaaday labo nooc oo baabuur ah kuwaasi oo turkiga lagu sameeyey min bilow ilaa dhamaad.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Xaflad loogu waqlalaayey baabuurtan, ayuu Erdogan ka dhax sheegay “maanta waa maalin taariikhi ah, waxa aan gaarnay riyadii ay ku haman jirnay 60 sano”.

Erdogan ayaa sheegay in soo saarista baabuurtan ay habeen iyo maalin u taagnaayeen 100 injineer oo turki ah kuwaasi ku guuleystay mashruucan waxtarka leh.

Sidoo Kale Aqri..Macluumaadka Diyaarado Dagaal Oo Turkiga lagu sameeyey 100%

Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in Turkiga ay farxad u tahay soo saarista baabuur ku shaqeyneysa tiknoolajiyadda Turkiga.

Erdogan ayaa tilmaamay in uu furanyahay beeca baabuurtan, oo la filaayo in suuqa ay soo galaan 2022 isaga oo yiri “Anigoo ah Rajab Dayib Erdogan waxaan noqanayaa qofka ugu horeeya ee gudbista dalab iibsasho ee baabuurtan”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada