Waa Tan Xogta Dayax Gacmeedyadii Xalay Aad Aragtay!

Shirkadda SpaceX ee Mareykanka ayaa Hawada ku sii deysay 60 Dayax gacmeed Kuwaasi oo qeyb ka ah olale lagu iskugu xiraayo Internet-ka aduunka oo dhan.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Iyadoo ay ugu wacantahay goobta aay dunida kaga taalo Soomaaliya, Waxaaa suuragal aheyd xalay in cirka Soomaaliya iyo waddamo dhaca geeska afrika lagu arkay dayax gacmeedyadan, laakin aragtida uuma suuragalin wadamada dhaca bu’da aduunka.

Dayax gamaceedyadan Cusub oo loo yaqaan ” Starlink satellites ” ayaa ku dhulka ka sareeyey joog dhan 217 Mile(350 km”.

“Wax walaac ah kama qabo dayax gacmeedyadan jooga hoose ku socda, mar un cirka ayey habeen ka soo muuqan dooonaan ” ayuu yiri nin lagu magacaabo Langbreak.

Asaasaha Shirkadda SapceX Elon Musk ayaa sheegay in shirkaddu ay ku guda jirto sidii loo yareyn lahaa iftiinka dayax gacmeedyadan, isagoo intaasi ku daray in dayax-gamceeyadan loo yaqaan “Starlink settelites” loo farsameeyey qaab ay hawada ku sii jiri karaan ilaa 5 sano.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA