Waa Tan Xoriyadda Reer Galbeedka!!!

-

La yaab ma leh Madaxweynahii ugu horeeyey ee Mareykanka George Washington in uu lahaa ilko gacan ku sameys ah, arintase cajiibka ah waxa ay aheyd in ilkahaasi laga soo siibay adoomihiisa(dadkii ay adoonsan jireen).


Xaqiiqonews-

Website-ka “Live Science” ayaa sanadkii hore daabacay warbixin uu ciwaan uga dhigay “Ilkaha George Washington maxey ka sameysnaayeen?(alwaax ma aheyne).

Website ayaa beeniyey khurafaad la isla dhaxmaraayey oo ahaa in ilkaha Washington ay ahaayen alwaax,waxa uuna webka xaqiijiyey in Ilkaha ay ahaayeen ilko bani’aadam oo laga soo siibay dadkii la adoonsan jiray.

Sidoo Kale Aqri Dhimashada reer Galbeedka..Buug Cabsi Badan KuAbuuray Reer Galbeedka

Sidaas oo ay tahay Ilaa hadda George ayaa ah calaamad ay ku faanaan Mareykanka, waxaa uuna dhaxda ugu sawiranyahay lacagta Doolarka ee mareykanka.

Sida uu qoray website-ka smithsonianmag, ma ogtahay Thomas Jefferson oo ah Madaxweynihii seddexaad ee Mareykanka in ahaa nin adoonsiga uu arki jiray in ay tahay “suuq laga sameeyo lacago badan”.

smithsonianmag ayaa qoray warbixin dheer oo uu ciwaan uga dhigay “Dhinaca Madow ee Thomas Jefferson” sidaasi oo ay tahay Mareykanka wali waa ay ku faanaan waxa uuna ku sawiranyahay lacagahooda xaanshada ah.

Waddamada Galbeedka oo ugu horeeyo Mareykanka ayaa sheega in ay u dhisanyihiin ama ay u taaganyihiin in ban’daamka oo dhan ay simanyihiin, hase yeeshee xaqiiqdu taasi waa ay ka duwan tahay,

Website-ka “History” waxaa uu qoray maqaal ciwaankiis ahaa “Immisa Madaxweyne Oo Mareykanka soo martaya ayaa adoomo lahaa?”

Website-ka ayaana xaqiijiyey in Afar u qeyb ahl qeyb oo ka mid ah dhamaan madaxdii Mareykanka soo martay ay lahaayeen Adoomo ay adoonsan jireen.

Wararka U Dambeeyey

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...