WARARKAWaa Tee Buurta "golan heights" Ee Go'aamineysa Guusha ...

Waa Tee Buurta “golan heights” Ee Go’aamineysa Guusha Balad-Xaawo?

-

2-dii Maarso, waxaa Buulo-xaawo ka dhacay dagaal culus, kaasi oo ka tagay isku faruuryo qaniinsi iyo hub aruusi ay labada dhinac sameynayaan, waxaana mar kale qarka loo saaran yahay dagaal qarxa.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Goob joogayaal ku kala sugan Buulo-Xaawo iyo Madheera ayaa soo tabiyey in uu socdo hub aruursi iyo tabaabusheysi , taasi oo suuragal ka dhigeysa marka kale in uu qarxo “dagaal lafo jebin ah”.

Sida uu sheegay goob jooge ku sugan Buula-Xaawo Ciidamada Df-ka gaar ahaan Ciidanka Haramacad ayaa dhufeysyo ka qodanaya aagga buurta “golan heights” ee dhacda bariga Buulo-Xaawo.

Sidoo Kale Aqri..Kenya..Dagaalkii Balad-Xaawo waxaa Qeyb Ka Ahaa NATO!

Haddaba waa tuma Buurta Golan Heights ee Buula Xaawo?

Buurta Golan, sidoo kale waxa ay reer Balad-Xaawo ugu yeeraan “buurta guusha” maxaa yeelay waa goob istiraatiiji ciidan ah taasi oo ay adagtahay in qofka halkaasi ku jira si fudud looga saaro.

Dhanka kale Ciidanka Janan ayaa ku geel qalanaya goob u dhaw Mandheera halkaasi oo dhacda gudaha xaduud Kenya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu jiro Khilaaf istiraatiiji ah kaasi oo u dhaxeeya Madoobe iyo Janan, iyadoo wararku ay intaasi ku darayaan in khilaafka uu gaaray gacan ka hadal ka dib markii Axmed Madoobe uu dharbaaxay Janan.

Si Kasaba ha ahaate Buula Xaawo iyo Mandheera ayaa noqday furumo dagaal, waxaana jira barakac ay sameeyaana shacabka labada dhinac.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...